Soomaaliya oo ka qeybgashay Meertada 8-aad ee Shirweynaha Biyaha Qaahira

Date:

Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda jiro Todobaadka Shirweynaha Biyaha ee Qaahira (Meertada 8-aad), ayaa waxaa kulan mira-dhal ah u qabsoomay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Mohamed Abdullahi iyo Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Waraabka ee dalka Masar Prof. Hani Sewilam, Kulanka ayaa looga gollahaa qaabeynta, xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal gaar ahaan dhanka maaryenta kheyraadka biyaha iyo waraabka ayaa waxaa lagu gorfeeyey arrimo muhiim u ah iskaashiga dhanka biyaha ee labada dal.

Wasiir Mohamed Abdullahi ayaa bogaadiyey iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyada oo uu tibaaxay in la joogo waqtigii kor loo qaadi lahaa iskaashiga dhanka maareynta kheyraadka biyaha.

Intii uu socday kulanka labada Wasiir ayaa waxaa lagu lafa-guray dhammaystirka diyaarinta Heshiis Is-afgarad ah kaasoo diiradda lagu saari doono dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin: maareynta kheyraadka biyaha, tababarrada, tayeynta, horumarinta karaanka xirfadlayaasha iyo kaadirka biyaha, xoojinta iskaashiga wada-xaajoodyada biyaha la wadaago oo xuduudaha ka baxsan iyo sidoo kale dhanka iskaashiga xogta biyaha, sahanka, saadaasha iyo ka digista khataraha iyo aafooyinka la xiriira maareynta biyaha.

Gabagabdii kulanka ayaa kusoo idlaaday jawi is-afgarad iyada oo loo ballamay in muddo kooban lagu soo dhammaystiro Heshiiska Wada-shaqayn eel labada dhinac iyada oo loo ballamay in dhawaan ay qabsoonto kulamo heer farsamo iyo kuwo heer sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga AGA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...