Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa sheegay in dhallinyaradu ay yihiin laf-dhabarka bulshada iyo furaha mustaqbalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in si gaar ah loo horumariyo barnaamijyada lagu wacyigelinayo iyo kuwa fursadaha shaqo abuurka u samaynaya si looga ilaaliyo in ay u nuglaadaan fikradaha xagjirka ah.

Wasiirka oo ka hadlayay shirka afar-biloodlaha ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka ah, ayaa xusay dadaallada ay wasaaraddu ku bixisay la dagaallanka fikradaha xagjirka ah, wuxuuna tilmaamay in guulo la taaban karo laga gaaray dhanka wacyigelinta bulshada, tababarrada dhallinyarada , iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirku wuxuu baaq u diray deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo Hay’adaha wadashaqeynta la leh Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, isaga oo ka codsaday in ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan barnaamijyada la xiriira dhalinyarada iyo nabadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...