Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Date:

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee garsoorka dalka ayaa ka qeybgalay kulan lagu soo bandhigayay adeeg dhanka kombiyuutarka ah, kaas oo loogu talagalay maareynta shaqooyinka la xiriira gal-dacwadeedyada.

Bandhigga qalabkan casriga ah oo ku shaqeynaya hab dijitaal ah, waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Xoghayaha Wasaaradda Caddaaladda, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska, iyo Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada.

Kulanka waxaa hadallo ka jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashi Yuusuf, iyo qaar ka mid ah madaxda laamaha caddaaladda, kuwaas oo sharaxay ahmiyadda adeeggan iyo sida uu uga qeyb qaadan karo baarista iyo la socodka dambiyada.

Mashruucan waxaa maalgelinaya Dowladda Mareykanka inta uu socdo, iyadoo hannaankan dijitaalka ah loo qorsheeyay in uu fududeeyo isku xirka howlaha maalinlaha ah ee bahda caddaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...