Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Date:

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxames Aadan Macallin ( Soomaali), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Amb.Francesca Di Mauro,

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta, horumarinta dijitaalka, iyo amniga internetka.

Wasiirka isgaarsiinta dalka mudame Maxames Soomaali ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wasaaradda, gaar ahaan mashruuca dhowaan la soo gabagabeeyay ee “Initiative for Digital Government and Cybersecurity (IDGC) for the Horn of Africa”, oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, kaas oo diiradda saaray horumarinta e-dowladda iyo amniga dijitaalka ee dalalka gobolka.

Dhankeeda, Danjiraha cusub ee Midowga Yurub, Amb. Francesca Di Mauro, ayaa xaqiijisay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, iyadoo carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay horumarinta dijitaalka, xirfadaha dhallinyarada, iyo mashaariicda lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo maalgashiga tiknoolojiyadda cagaaran.

Kulankan udhexeeyey wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaali iyo safiirkaMidowga Yurub ayaa muujinaya sida ay labada dhinac uga go’an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac, si loo horumarinta dijitaalka, amniga internetka, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dowladnimada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...