Wasiir Fiqi: โ€œWasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii CXD Loo sameeyo hayโ€™ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntoodaโ€

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Wasaaradda Difaacu ay qorsheyneyso in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hayโ€™ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda.

โ€œWasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hayโ€™ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda, mar dhow ayaana Golaha Wasiirrada horgeyn doonaa sharciga hayโ€™addaas,โ€ ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay in sharcigaas dhowaan la horgeyn doono Golaha Wasiirrada, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan dayaci doonin carruurta shuhadada geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tilmaamay sida ay Xukuumaddu uga goโ€™an tahay tayeynta, qalabaynta iyo joogteynta tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan awood u leh ciribtirka kooxaha argagixisada iyo difaaca madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale