Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

Date:

kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar fulaynimo ah ku soo qaaday Xarunta Baarista Jilacow oo ah goob lagu baaro eedeysanayaasha ka tirsan kooxaha argagixisada.

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood.

Waxaa xusid mudan in argagixisadu adeegsadeen gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo ay ku buufiyeen midabka iyo astaanta ciidamada amniga, islamarkaana ay xirnaayeen darees u eg direyska ciidamada. Tani waxay u suurto galisay inay si sahlan uga gudbaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo amniga caasimadda, maaddaama aan baaritaan rasmi ah lagu sameyn gaadiidka ciidamada qalabka sida. Arrintan ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda. Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go’aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka.

Weerarka argagixiso ee galabta dhacay wuxuu ka tarjumayaa rafashada cadawga argagixisada ah ee shalay, 03-da Oktoobar 2025, jab xooggan loogu geystay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo laga xoreeyay deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo. Sidoo kale, 24-kii saac ee la soo dhaafay, duqeymo culus oo ka dhacay deegaannada Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kuunya-Barrow ayaa lagu dilay horjoogayaal waaweyn oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, oo uu ka mid yahay ku-xigeenkii madaxa guud ee Amniyaadka kooxda Al-Shabaab, ahaana madaxa adeegga iyo soo iibinta walxaha qarxa, dhagarqabe Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax).

Ugu dambeyn, waxaa la farayaa hay’adaha amniga in ay si buuxda u dhaqan geliyaan:

• Xeerka Amniga Xarumaha Dowladda (X.Lr. 134)

• Xeerka Amniga Xarumaha Gaarka ah (X.Lr. 135)

• Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda (X.Lr. 123)

Waxaa si gaar ah loo farayaa hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda.

Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo ciidamada amniga ee ay ka shahiideen geesiyaashii ka hortagay weerarkii argagixisada, halka inta dhaawaca ah aan u rajeyneyno caafimaad degdeg ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...