1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ka hadley guulaha laga gaaray sugidda amniga, dib u xoreynta dalka, kobcinta dhaqaalaha, xasilloonida siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo xiriirka caalamiga ah.
2- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu martigaliyay Madaxwaynaha Maraykanka, Donald Trump taasi oo lagu maamuusay madaxdii ka qaybgashay Meertada 80-aad ee Fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Washington, isagoo warbixin ku saabsan adeegyada loo qabto muwaadiniinta Soomaaliyeed ka dhageystay mas’uuliyiinta safaaradda.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Golaha Qaramada Midoobey ee magaalada New York kulan doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka dhacay magaalada New York, loogana arrinsaday garab istaagga amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo qeyb ka ah amarkii uu dhowaan bixiyay ee tayaynte adeegyada garoonka.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray mashruuca koronto-gelinta 150 xarumo caafimaadka dadweynaha oo lacag la’aan ah, lagana hirgaliyey gobollada dalka, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed baahi weyn u qabeen adeeg koronto oo tayo leh.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgalay Munaasabadda Daahfurka Adeegga Xajka sannadka 1447/ 2026 iyo Xeritaanka xajkii sannadkii hore ee 1446, ayaa sheegay in Xukuumadda ay hormar ballaaran ka sameysay hufnaanta adeegga xajka, laguna gaarey aqoonsi heer calami ah.
9- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Mudane Cabdulqaadir Abuukar Maxamed u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
10- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa ansixiyey magacaabista Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle oo noqonaya Xisaabiyaha Guud ee cusub ee dowladda.
11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth, oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda uu Afka Carabigu u leeyahay bulshada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dalka u yimid hirgalinta mashruuc weyn oo lagu taageerayo Manhajka waxbarashada dalka iyo horumarinta Afka Carabiga.
14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo xusay in isku imaatinka bulshada ee heerkan ah uu ka tarjumayo nabadda iyo horumarka ka jira caasimadda, isla markaana uu dhallinyarada u jiheynayo dhanka nabadda.
15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
16- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Britain ee Soomaaliya, Mudane Charles King, iyagoo ka wadahadley xoojinta iyo dardar-gelinta xiriirka labada dal.
17- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta (African Charter on the Rights and Welfare of the Child).
18- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ka qeyb galay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Bandhiga Dalxiiska Soomaaliya ee 2025-ka ka sheegay in dalxiiska Soomaaliya uu door weyn ka qaadanayo kobaca dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.
20- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in qiimo-dhimis lagu sameeyay lacagaha Xajka ee sannadkan, lagana dhigay $4,543 .
21- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay wafdi ka socday urrurka Jaamacadda Carabta, oo uu hoggaaminayay Zayd Al-Sabban, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac ee horumarinta warbaahinta iyo arrimaha dhaqanka, gaar ahaan barnaamijka lagu xoojinayo luuqadda Carabiga.
22- Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ku dhawaaqday in dekedaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika sanadkii 2024, sida lagu sheegay warbixinta Container Port Performance Index (CPPI).
23- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Riyadh kula kulmay Madaxa Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sacuudiga, Sultan Bin Cabdulraxman Al-Marshad.
24- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda IOM, waxaana kulankaasi lagu soo bandhigay naqshadaha guryo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah.
25- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, S/Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
26- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), ayaa Dekadda Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya Mrs. Francesca Di Mauro.
27- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.
28- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Maxamed Aadam Macalim ayaa dalka Sacuudiga uga qaybgalay shir ku saabsan ammaanka Internet-ka.
29- Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhigga Idiris Cusmaan Xaaji ayaa shir-guddoomiyey kulan wadatashi ah oo ku saabsana isku-duwidda mashaariicda Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka argagixisada (IMCTC).
30- Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada, Liibaan Aadan Obsiye ayaa magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia uga qaybgalay Shirweynaha Maalgelinta Cimilada Afrika
31- Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa ku guuleystay in xorriyadooda ay dib u helaan in ka badan 50 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed, oo ku xirnaa dalka Congo.
32- Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la yeeshay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka dalka Botswana, Lawrence Ookeditse, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dal.
33- Wasiirka ku-Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Aamina Xuseen Cali ayaa daah-furtay nidaamka casriga ah ee isku-xirka loo-shaqeeyaha iyo shaqo-doonka.
34- Hay’adda SoDMA ayaa dib u dhis iyo dayactir ku samaynaysa Xarunta Kaydka Cuntada Muqdisho oo ay taageerayso dowladda China.