HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo xoojinaya iskaashiga maamulka socdaalka iyo xuduudaha.

Date:

HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo yeeshay booqasho qiimeyn ku saabsan Maamulka Xuduudaha, si sare loogu qaado Kaalinta Kaalmaynta Amniga iyo Socdaalka Dalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa martigelisay booqasho labo maalmood socotay, taas oo ay ka qeybgaleen wafdi ka socday Dowladda Ingiriiska. Booqashadan ayaa ahayd mid lagu qiimeynayo lana xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhanka maamulka socdaalka iyo sugidda amniga xuduudaha.

Booqashadan waxa ay daba socotay safarkii hore ee wafdiga HSJ ay bishii Luulyo 2025 ku tageen dalka Ingiriiska, halkaas oo lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada socdaalka iyo xuduudaha.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Dhuxulow, ayaa ka hadlay isbeddellada wax-ku-oolka ah ee hay’addu ku samaysay hannaanka maamulka socdaalka iyo xuduudaha, isaga oo xusay in iskaashiga caalamiga ah uu si gaar ah u kordhinayo awoodda hay’adda, looguna hortago socdaalka sharci darrada ah iyo dambiyada abaabulan. Wuxuu si gaar ah uga mahadceliyay taageerada Dowladda Ingiriiska.

Dhanka kale, wafdiga Dowladda Ingiriiska ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageeraan casriyeynta nidaamka socdaalka, tababarrada, iyo wada shaqeynta dhanka amniga xuduudaha.

Barnaamijka Qiimaynta wuxuu diiradda saaray:

– Qiimaynta hannaanka shaqo ee Garoonka Aadan Cadde (Terminal-ka caalamiga ah, gudaha iyo VIP).

– Xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda ee ku hawlan maamulka xuduudaha.

Ugu dambeyn, booqashada waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan miro-dhal ah oo lagu adkeeyay wadashaqeynta labada dhinac, iyadoo casho sharaf loo sameeyay wafdiga Ingiriiska, taasoo ay si wadajir ah uga soo qeyb galeen Agaasimaha Guud ee HSJ iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...