Golaha Shacabka oo Ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo lagu ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta (African Charter on the Rights and Welfare of the Child).

Axdigan oo ay soo diyaarisay Midowga Afrika, ayaa ujeeddadiisu tahay in la ilaaliyo, la horumariyo, lana daryeelo xuquuqda carruurta Qaaradda Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlayo waxbarashada, caafimaadka, ka hortagga tacaddiyada, iyo daryeelka bulshada.

Intii lagu guda jiray cod u qaadista axdigan, 130 Xildhibaan ayaa u codeeyay oggol, 10 Xildhibaan ayaa diiday halka 5 kalena ay ka aamuseen.

Ansixinta Axdigan waxay muujinaysaa tallaabo muhiim ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday dhanka ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyadoo kor loogu qaadayo sharciga iyo siyaasadaha la xiriira daryeelka iyo barbaarinta ubadka.

Tallaabadan sidoo kale waxay fure u tahay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqoto dalalka saxiixay axdigaas, isla markaana loo helo taageero sharci iyo mid dhaqaale oo lagu horumarin karo mustaqbalka jiilka cusub ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...