Wasiirka Awqaafta oo ku dhawaaqay qiimo-dhimis lagu sameeyay adeegga Xajka Sanadka 1447H / 2026

Date:

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in qiimo-dhimis lagu sameeyay kharashka Xajka sanadkan Hijriyada 1447 / Miilaadiga 2026.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka hadlayay munaasabadda daah-furka adeegga Xajka sanadkan iyo xiritaanka xajkii hore ee 1446/2025, ayaa sheegay in iyadoo laga duulayo baahida xujeyda Soomaaliyeed, kharashka xajka laga dhigay 4,543 halka uu sanadkii hore ahaa4,604.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta afaraad ka gashay bixinta adeegyada xujeyda ee dalalka Islaamka, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudiga taageerada ay siiso xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu yareynayo kharashyada, laguna horumarinayo adeegyada Xajka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...