Agaasimaha Guud ee Qorsheynta oo la qeyb-galay madasha caalamiga ah ee horumarka Busan 2025

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Shire, ayaa ka qeybgalay Madasha Busan ee Iskaashiga iyo Horumarka 2025 oo ka socota magaalada Seoul, caasimadda Kuuriyada Koonfureed.

Mudane Shire ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo diiradda lagu saarayay waxtarka horumarinta (Development Effectiveness), xilli uu hoos u dhac ku yimid deeqaha horumarineed ee caalamiga ah (ODA).

Agaasimuhu wuxuu khudbaddiisa ku xusay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo Aragtida Qaranka ee 2060, kuwaas oo ah jihada horumarineed ee dalka. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay doorka qaab-dhismeedka Somali Aid Architecture ee fududeeya wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, bahwadaagta horumarineed iyo bulshada rayidka ah si loo gaaro natiijooyin muuqda.

Mudane Shire wuxuu adkeeyay muhiimadda iskaashi wax-ku-ool ah oo ku saleysan xog sugan, si loo xaqiijiyo horumar waara, wuxuuna yiri:

“Waxaan rabnaa in iskaashiga caalamiga ah uu noqdo mid waxtar leh oo si cad ula jaanqaada baahiyaha iyo mudnaanta qarankeena. Soomaaliya waa in ay si buuxda u hoggaamisaa qorshaheeda horumarineed, iyadoo adeegsanaysa xog iyo wada-shaqeyn loo dhan yahay.”

Madasha Busan 2025 waxay fursad u tahay dalalka soo koraya in ay is-dhaafsadaan waayo-aragnimo, xoojiyaanna iskaashiga horumarineed iyo awoodda hay’adaha Qaran si loo gaaro natiijooyin waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...