Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa kulan ku yeeshay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana, Mudane Lawrence Ookeditse, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isla garteen in la abuuro waddooyin cusub oo lagu dhisayo iskaashi caafimaad, gaar ahaan dhinacyada shaqaalaha caafimaadka, barnaamijyada caymiska caafimaadka, iyo wadaagista khibradaha iyo hal-abuurka lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka shacabka labada dal, iyo guud ahaan iskaashiga caafimaadka qaaradda Afrika.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka go’an tahay horumarinta danaha caafimaadka qaranka iyo dhismaha iskaashi qaran iyo mid qaaradeed, si loo xaqiijiyo hiigsiga adeeg caafimaad oo tayo leh oo muwaadiniinta Soomaaliyeed la gaarsiiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...