Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dalka Sacuudiga Mudane Abdulmuhsen Bin Sa’ad Alkhalaf iyo xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Wadankaas.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhanka dhaqaalaha, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaana mahadcelin kadib waxa uu si faah-faahsan uga hadlay qorsheyaasha maalgelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, kheyraadka Badda, Xoolaha, Beeraha iyo dhanka Tamarta, Waxaana lagu heshiiyay in wada hadalkan loo bedelo heer farsamo oo miro dhal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...