Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena

Date:

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa hambalyo u diray kooxda kubadda cagta Dekedaha FC kadib markii ay guul taariikhi ah ka gaareen garoonka Kasarani, isla markaana ay u gudbeen wareegga xiga ee CAF Confederation Cup.

Danjire Jibriil ayaa sheegay in adkaysiga, kartida iyo aaminaadda kooxda ay sare u qaadeen sharafka iyo sumcadda Soomaaliya, isagoo xusay in marka ay wajahayaan kooxda weyn ee Zamalek ee magaalada Qaahira, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin oo ay u ducaynayaan.

Safiirku waxa kale oo uu bogaadiyey dadaalka iyo ciyaarsiinta wanaagsan ee kooxda walaalaha Suudaan ee Al-Hilal, isagoo tilmaamay in kubadda cagta Afrika aysan ku koobnayn kaliya tartan, balse ay tahay mid mideysa, ixtiraam iyo jacayl loo wada qabo ciyaarta quruxda badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...