Wasiirro ka qeyb galay abaalmarin loo qabtay shirkadaha ugu tayada badan adeeg bixinta

Date:

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay xaflad lagu maamuusayay abaalmarinta shirkado ganacsi oo ku guuleystay kobcinta tayada adeegyada loo qabto shacabka Soomaaliyeed.

Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka Hey’adda Tayodhowrka Qaranka, waxaa sidoo kale ka qeybgalay maamulayaasha shirkadaha wax soo saarka, aqoonyahanno, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada XFS, Mudane Maxamed Aadan Macallin, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa ka warbixiyay muhiimadda tartamada ganacsiga iyo doorka ay shirkaduhu ku leeyihiin tayeynta adeegyada la siiyo bulshada.

Xoghayaha Guud ee Hey’adda Tayodhowrka Qaranka, Guuleed Cabdirashiid, ayaa isna sheegay in tartanka shaqooyinka la qabto uu dhiirrigelinayo adeegyo tayo leh oo wax u tara ummadda.

Agaasimaha Machadka Tayada Qaranka, Abuukar Axmed Culusoow, ayaa sheegay in shirkado dhowr ah oo abaalmarin la siiyay loo doortay inay Soomaaliya ku matalaan tartamada Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...