Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose.
Howlgalka gobolka Hiiraan:
Waxaa lagu dilay horjooge Cabdi Xiiray iyo labo horjooge oo kale oo ku sugnaa degmada Moqokori. Cabdi Xiiray, oo muddo lagu raad joogay, ayaa ahaa dhiigyo-cab abaabulay dhagarro badan oo lagu waxyeelleeyay shacabka deegaannada Hirshabeelle.
Howlgalka gobolka Galgaduud:
Illaa 11 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Nooleeye, kadib markii la helay xog muujinaysay in halkaasi lagu abaabulayay maleeshiyaad.
Howlgalka gobolka Shabeellaha Hoose:
In ka badan 10 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay, howlgal lagu beegsaday tuulada Tugaarey oo hoos timaadda degmada Awdheegle.
Howlgalladan bartilmaameedka ah ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu naafaynayo Khawaarijta, loogana hortagayo khatar kasta oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.