Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo Minnesota kaga hadlay Dalxiiska iyo Dimuqraadiyadda

Date:

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Aqalka Sharci-dejinta ee gobolka Minnesota, halkaas oo si sharaf leh loogu soo dhaweeyey Xildhibaan Samakaab Xuseen, oo ka tirsan Baarlamaanka gobolkaas.

Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda kobcinta dalxiiska Soomaaliya iyo kaalinta dimuqraadiyaddu ku leedahay horumarinta dalka. Wasiir Al-Adala ayaa Xildhibaan Samakaab gudoonsiiyey Shahaado Sharaf, isaga oo uga mahadceliyey kaalinta uu ka qaatay xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo dalkii hooyo.

Wasiirku wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dalxiiseed oo u baahan in la soo bandhigo, isagoo xusay in qurba-joogtu ay door muuqda ku yeelan karaan dhiirrigelinta dhaqaalaha dalxiiska. Sidoo kale wuxuu sheegay in dimuqraadiyaddu tahay tiir muhiim u ah dowlad-dhisidda, isla markaana mudan in laga faa’iideysto casharrada laga baran karo nidaamka sharci-dejinta Minnesota.

Dhankiisa, Xildhibaan Samakaab Xuseen ayaa Wasiirka ku soo wareejiyey xafiisyada Aqalka Sharci-dejinta Minnesota, isagoo uga warramay taariikhda dhismaha Golaha, habraacyada sharci-dejinta, iyo sida dimuqraadiyaddu ugu adeegto bulshada gobolka.

Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo qurba-joogta, gaar ahaan dhinacyada dalxiiska, dhaqanka iyo dimuqraadiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...