Ra’iisul Wasaare Xamse oo amray hay’adda amniga dalka

Date:

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday saldhigga booliiska degmada Yaaqshiid, isagoo ku tilmaamay fal liddi ku ah xasilloonida iyo horumarka caasimadda. Wuxuu sheegay in weerarkaas uu xambaarsanaa farriin muujinaysa in Muqdisho aan loo oggolaan horumar, nabad iyo dowladnimo ka hirgasha.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si cad u sheegay in falkaasi uu ka dhan yahay dadaallada dowladda ee ku aaddan in shacabka loo sugo adeegyada dowliga ah, la dagaallanka Khawaarijta iyo xaqiijinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu faray hay’adaha amniga inay adkeeyaan ilaalinta ammaanka shacabka, isla markaana si degdeg ah uga hortagaan cid kasta oo isku dayda inay fowdo ka abuurto magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA iyo saaxiibadeeda oo howlgallo ka fuliyay saddex mid ah gobolada Soomaaliya 

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Suudaan 

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo Minnesota kaga hadlay Dalxiiska iyo Dimuqraadiyadda

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan...

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo daah furay Imtixaan loogu talagalay Leyli-saraakiil

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...