Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madax ka tirsan Dowladda Maraykanka 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.

Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, joogteynta iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagixisada, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka guud ee gobolka Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey...

Wasiirro ka qeyb galay abaalmarin loo qabtay shirkadaha ugu tayada badan adeeg bixinta

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa...

NISA iyo saaxiibadeeda oo howlgallo ka fuliyay saddex mid ah gobolada Soomaaliya 

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Suudaan 

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...