Hay’adda King Salmaan iyo Maxaasin Foundation oo qoysas danyar ah ugu qeybiyeen deeq Timir ah

Date:

Hay’adda Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee King Salmaan ayaa maanta deeq gargaar ah oo timir ah u qeybisay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyinka Dayniile iyo Garasbaaleey ee gobolka Banaadir. Deeqdan waxaa fulisay Hay’adda Maxaasin Foundation.

4,000 oo qoys ayaa deeqda ka helay degmada Dayniile, halka 4,000 oo kale ay ka faa’iideysteen degmada Garasbaaleey, taasoo wadarta guud ka dhigeysa 8,000 oo qoys.

Munaasabadda qeybinta waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka socday hay’adaha King Salmaan iyo Maxaasin Foundation.

Deeqdan ayaa shalay laga daahfuray magaalada Muqdisho, iyadoo maanta si rasmi ah wajigii koowaad uga bilowday labadaas degmo.

Qaar kamid ah qoysaskii ka faa’iideystay deeqda ayaa u mahadceliyay hay’adaha King Salmaan iyo Maxaasin Foundation, iyagoo sheegay in gargaarkani uu yimid xilli ay baahi weyn qabeen.

Naibiib, oo kamid ah mas’uuliyiinta Hay’adda Maxaasin, ayaa warbaahinta la wadaagay faahfaahin ku saabsan tirada qoysaska ka faa’iideystay mashruucan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...