Hay’adda King Salmaan iyo Maxaasin Foundation oo qoysas danyar ah ugu qeybiyeen deeq Timir ah

Date:

Hay’adda Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee King Salmaan ayaa maanta deeq gargaar ah oo timir ah u qeybisay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyinka Dayniile iyo Garasbaaleey ee gobolka Banaadir. Deeqdan waxaa fulisay Hay’adda Maxaasin Foundation.

4,000 oo qoys ayaa deeqda ka helay degmada Dayniile, halka 4,000 oo kale ay ka faa’iideysteen degmada Garasbaaleey, taasoo wadarta guud ka dhigeysa 8,000 oo qoys.

Munaasabadda qeybinta waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka socday hay’adaha King Salmaan iyo Maxaasin Foundation.

Deeqdan ayaa shalay laga daahfuray magaalada Muqdisho, iyadoo maanta si rasmi ah wajigii koowaad uga bilowday labadaas degmo.

Qaar kamid ah qoysaskii ka faa’iideystay deeqda ayaa u mahadceliyay hay’adaha King Salmaan iyo Maxaasin Foundation, iyagoo sheegay in gargaarkani uu yimid xilli ay baahi weyn qabeen.

Naibiib, oo kamid ah mas’uuliyiinta Hay’adda Maxaasin, ayaa warbaahinta la wadaagay faahfaahin ku saabsan tirada qoysaska ka faa’iideystay mashruucan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...