Soomaaliya iyo Seerbiya oo kala saxiixday heshiis iskaashi diblomaasiyadeed

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kula kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka, dhiggiisa dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Labada wasiir waxa ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ka dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia.

Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashi dhow oo ku qotama tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa waxaa ka shexeeya heshiis difaac, iyadoo ay xukuumadda Belgrade ciidamada Soomaaliya siiso tababarro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka maalgelinta hawlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay xoghayaha guud ee qaramada midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey...

Wasiirro ka qeyb galay abaalmarin loo qabtay shirkadaha ugu tayada badan adeeg bixinta

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa...