Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shirka astaynta dowladnimada Falastiin

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, isla markaana taageero joogto ah u muujisay dadaallada lagu xaqiijinayo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiirigelinaysaa dalalka qaatay go’aanka taariikhiga ee ku aaddan ictiraafka dowladda reer Falastiin, taas oo xoojinaysa xasilloonida iyo nabadda gobolka, xaqiijinaysana xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Nairobi kula kulmay Safiiradda Caalamka ee sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka maalgelinta hawlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay xoghayaha guud ee qaramada midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey...