Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamuud Cali Guuleed

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii Allah ha u naxariisto Marxuum Maxamuud Cali Guuleed oo ka mid ahaa farsamayaqaanadii ugu horeeyey ee ka hawlgala Radio Muqdisho, Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Eng Maxamuud Cali Guuleed waxa uu Radio Muqdisho ku soo biiray 1950maadkii isaga oo dalka dibaddiisa ku soo qaatay tababarro kala duwan sida Jarmalka iyo Talyaaniga. Waxaa uuna mar noqday madaxii farsamada ugu horeeyey ee Radio Muqdisho , xilkaasi oo uu muddo dheer soo hayey.

Bur burkii kadib waxa uu sii joogay Radio Muqdisho isaga oo aan dalka meelna uga bixin. Markii dib loo hawlgeliyey Raadiyaha October 2009kii, waxa uu ka mid ayaa odayaashii dhiigga cusub ku so dhoweeyay Raadiyaha Qaranka.

Waxan uga tacsiyadeyneynaa qoyskiisa, carruurtiisa iyo guud ahaan bahda Warfaafinta, inaga oo Allah uga baryeyna in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna Allah inaga wada siiyo. Aamiin .. Aamiin.. Aamiin.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...