Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta

Date:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa si diirran u soo dhaweysay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo howlo shaqo u jooga dalka Maraykanka.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa lagu muujiyay taageerada jaaliyadda ee ku aaddan dib-u-dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimada, iyadoo sidoo kale lagu xusay guulaha ay Soomaalida ku nool Maraykanka ka gaareen dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo iskaashiga bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa uga mahadceliyey jaaliyadda soo dhaweynta diirran, wuxuuna warbixin dhammaystiran ka siiyay xaaladda dalka, gaar ahaan horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha, dib-u-eegista dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa uu ku dhiirrigeliyay jaaliyadda Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan kaalintooda qaran-jacaylka iyo horumarinta dalka, isagoo xusay doorka muuqda ee qurbo-joogtu ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Nairobi kula kulmay Safiiradda Caalamka ee sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka maalgelinta hawlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay xoghayaha guud ee qaramada midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...