Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta

Date:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa si diirran u soo dhaweysay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo howlo shaqo u jooga dalka Maraykanka.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa lagu muujiyay taageerada jaaliyadda ee ku aaddan dib-u-dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimada, iyadoo sidoo kale lagu xusay guulaha ay Soomaalida ku nool Maraykanka ka gaareen dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo iskaashiga bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa uga mahadceliyey jaaliyadda soo dhaweynta diirran, wuxuuna warbixin dhammaystiran ka siiyay xaaladda dalka, gaar ahaan horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha, dib-u-eegista dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa uu ku dhiirrigeliyay jaaliyadda Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan kaalintooda qaran-jacaylka iyo horumarinta dalka, isagoo xusay doorka muuqda ee qurbo-joogtu ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...