General Tuuryare oo Taliyaha CXD la wadaagay Shaqada Isbaheysiga IMCTC

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta xarunta Taliska Xoogga ee Wasaaradda Gaashaandhigga kusoo dhaweeyay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), haatanna ah Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu ciribtirayo khataraha argagixisada, iyadoo sidoo kale lagu adkeeyay wada-shaqeynta ka dhaxaysa ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah, si looga miro-dhaliyo degganaanshaha guud ee gobolka iyo xasilloonida Soomaaliya.

General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa Taliyaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlaha Isbahaysiga IMCTC iyo kaalinta uu ku leeyahay taageerada dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, Wuxuu xusay in Isbahaysigu uu xoogga saaro burburinta fikirka xagjirka ah, ciribtirka ilaha dhaqaale ee argagixisada.

Iskaashigan ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta amniga, nabadda iyo xasilloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...