Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furay Laabka Warbaahinta ee Al Jazeera, oo laga hirgeliyey Qaybta Saxaafadda ee Kulliyadda Culuumta Bulshada.
Laabkan cusub ayaa lagu furay munaasabad ballaaran, waxaana isla goobta lagu bilaabay koorsooyin tababbar horumarineed oo ay bixiyeen khubaro ka socda Machadka Al Jazeera Media Institute.
Tababbarradan oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa fursad gaar ah u ah ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa jaamacadaha kale ee dalka, si ay u helaan aqoon iyo xirfado casri ah oo la jaan-qaadaya isbeddellada warbaahinta caalamka.
Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa sheegay in daah-furka laabkan uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay jaamacadda iyo guud ahaan saxaafadda dalka.
โJaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa sharaf weyn u ah in maanta ay daah-furto laab caalami ah oo ka tirsan Kulliyadda Saxaafadda, taas oo ay maalgelisay Dowladda Qatar, gaar ahaan Machadka Al Jazeera. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa deeqdan qiimaha badan ee wax badan ka tari doonta horumarinta suxufiyiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa hormuudka Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda, oo dadaal iyo hagid joogto ah ku horseeday hirgelinta mashruucan muhiimka ah,โ ayuu yiri Prof. Dr. Maxamed.
Rektorka ayaa xusay in burburkii dalka uu saameyn xooggan ku yeeshay tayada saxaafadda iyo horumarka dhalinyarada Soomaaliyeed, balse dadaallada socda ee Jaamacadda Ummadda iyo taageerada laamaha caalamiga ah ay dib u dhisi doonaan mihnadda saxaafadda.
โHaddii saxaafaddu hagaagto, waxaa hagaagaya dib-u-soo-kabashada Soomaaliya. Saxafiyiin si wanaagsan u tababaran ayaa kaalin muuqata ka qaadan doona mideynta bulshada iyo ilaalinta garaadka jiilka soo koraya,โ ayuu ku daray.
Laabka cusub ee Al Jazeera ee laga hirgeliyey Jaamacadda Ummadda ayaa noqon doona saldhig muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadaha suxufiyiinta, lana horumarinayo tayada wacyigelinta bulshada, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo doorka saxaafadda ee ka hortagga wararka been-abuurka ah.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu xusay kaalinta wax-ku-oolka ah ee khubarada Soomaaliyeed, sida Mudane Yuusuf Garaad Cumar, iyo kooxda Machadka Al Jazeera oo si toos ah uga qayb qaadanaya tababbarrada socda.