Soomaaliya oo ka qayb gashay mashruuca caalamiga ah ee isku dhafka dhaqanka iyo Gaadiidka

Date:

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa ka qayb gashay mashruuca muhiim ka ah ee isku dhafka Gaadiidka iyo dhaqanka, kaas oo ka socda dalka Shiinaha.

Shirkan oo ah mid heer caalami ah oo 12 Dal oo aduunka ah ay ka qayb galayaan, ayaa ujeedadiisu tahay in la isku xiro horumarka tiknoolajiyada ee Gaadiidka iyo muhiimadda dhaqan ee bulshooyinka kala duwan. Wafdiga Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirkan ayaa xoogga saaraya sidii ay xiriir ula sameyn lahaayeen dalal kale, isla markaana ay uga faa’iideysan lahaayeen khibradaha caalamiga ah ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada.

Siciid Cabdullaahi Maxamuud oo ah Agasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda iyo Abdirizak Adam Gedi lataliyaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa sheegay in ka qeyb galka Soomaaliya ee shirkan uu yahay mid muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan kuwa Gaadiidka iyo duulista hawada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ee XFS Mudane 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱...

Saraakiil Booliis oo tababar muhiim ah loo xiray

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shir ku qabatay Galmudug

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa magaalada Galkacyo ku qabatay shir...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiddig Ramla Cali guddoonsiiyey Shahaado Sharaf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...