Madaxweynaha Xasan Sheekh oo cadeeyay kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tahay guul taariikhi ah, islamarkaana xoojineysa kaalinta dalka ee difaaca arrimaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha oo waraysi uu siiyey kanaalka “Al-Arabiya” ku sheegay in “Soomaaliya hore ugu fariisatay Golaha Ammaanka sanadkii 1972, waxaana tani tahay markii labaad ee la doorto xubinta aan joogtada ahayn,” isagoo tilmaamay in dalki “ka qayb qaato doodo badan oo Golaha ah, isaga oo matalaya Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in “Soomaaliya ay si cad ugu taagan tahay arrimaha Falastiin,” isagoo xusay in dalka “mas’uul ka yahay difaaca arrimaha dunida Islaamka iyo wakiil ka noqoshada dalalka nugul ee la kulma caqabado amni oo la mid ah kuwa aanu la kulannay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in “Soomaaliya ay tahay dal yar oo leh ajende caalami ah oo kooban, balse ka tirsan dalalka dhexdhexaadka ah , mana taageerto koox ka dhan ah mid kale,” isagoo carabka ku adkeeyey in joogitaankeeda Golaha Ammaanka uu yahay “si loo adeeggo danaha dadka aanu matalno.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...