Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo gaaray Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka 

Date:

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa soo gaaray Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas.

Mudane Cadaale yaa maalmahan ku sugnaa magaalada Miami ee gobolka Florida, halkaas oo uu wafdigiisu kaga qaybgalay Shirweynaha Sanadlaha ah ee dalalka dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dalxiiska, shir caalami ah oo ay isugu yimaadaan madax iyo khubaro ka kala socda dalal badan.

Wasiirku waxa uu Jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo karaamada ay u muujiyeen. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu la qaadan doono kulamo Jaaliyadda, isagoo uga warbixin doona xaaladda guud ee dalka, horumarka dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada, iyo sidoo kale kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta looga baahan yahay taageerada dalka hooyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...