Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Date:

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, taas oo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati u yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo munaasabadda bandhigga ka qeybgalay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Xukuuumaddiisu ay hirgaliyeen qorshayaaal iyo shuruuc muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Guulaha ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran ayaa taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda horumarinta arrimaha bulshada, difaaca iyo adkaynta midnimada Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in guulahani ay ku yimaadeen wadajir iyo midnimo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaannada Labada Aqal iyo guddoonkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...