Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay safiirka Turkiga

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper AktaลŸ. Kulanka ayaa looga wadahadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca, tabarrada ciidamada iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo ku ammaanay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato dhismaha hayโ€™adaha difaaca iyo horumarinta xirfadaha Ciidamada Qalabka Sida.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale