Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Date:

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka diinteenna suuban, kadib markii gacanta lagu soo dhigay dhallinyaro muddooyinkii dambe baraha bulshada ku faafinayay muuqaallo iyo qoraallo liiddi ku ah sharafta qaranka.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gashaanle Cabdi Fitaax Aadan Xasan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono qof kasta oo ku kaca falalka sumcad-xumeynta iyo aflagaadeynta madaxda qaranka, iyo kuwa ku xadgudba diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa yiri: “Cid kasta oo isticmaasha baraha bulshada waxaa la farayaa in ay ka feejignaadaan waxyaabaha xadgudubka ku ah diinteenna suuban iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Qof kasta oo maanta kadib lagu arko falalkaas, sharciga ayaa lagu dabaqi doonaa.”

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa u mahadceliyay Taliska Guud ee Booliiska Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu eedeeyay aflagaado madaxda qaranka iyo anshax xumo, kuwaas oo hadda xiran isla markaana la horgeyn doono hay’adaha cadaaladda.

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa horey uga digtay dadka ku xadgudba anshaxa iyo sharciga, iyagoo adeegsanaya baraha bulshada, iyadoo lagu wargeliyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi...