Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in guushii ciidanka qaranku ka gaareen dagaalkii Khawaarijta lagu jebiyey ee degmada Ceeldheer ay ku timid kaalinta iyo garab istaagga shacabka deegaanka.

Janaraal Sahal oo ku sugan degmada Ceeldheer ayaa tilmaamay in shacabka deegaanka ay door muuqda ka qaateen taageeridda ciidamada Qaranka, taasoo horseeday in jab xooggan loo geysto Khawaarijta. Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga shacabka iyo ciidamada uu yahay furaha guusha dagaalka ka dhanka ah kooxda khawaarijta.

“Guushii Ciidanka Xoogga Dalku ay ka gaareen Khawaarijta lagu jebiyay Degmada Ceeldheer waxa ay ku timid dadka deegaanka.”Taliyaha Ciidanka Dhulka Janaraal Sahal Cabdullahi Cumar

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa xusay in howlgalka Ceeldheer uu caddeyn u yahay sida wadajirka shacabka iyo ciidanku ay u burburin karaan khatar kasta oo amniga iyo xasiloonida dalka wax u dhimaysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...