Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka heer Wasiir ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka deg-degga ah ee ay iskugu imaanayaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, kagana hadlayaan weerarka Israa’iil ku qaaday dalka Qatar.

Shirka ayaa lagu faaqiday weerarkii Israa’iil ku qaaday Qatar 9-kii Septembar, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada wadamada Carabta iyo Islaamka si looga tacaalo arrintan, iyadoo go’aannada ku xusan war-murtiyeedka shirka la go’aamiyay in loo gudbiyo shir-madaxeedka beri oo Isniin ah furmaya si loo meel-meeriyo.

Waxaa la filayaa in Shir-madaxeedka degdegga ah uu soo saaro mowqif mideysan oo ka tarjumaya welwelka hoggaamiyeyaasha gobolka ee ku aaddan saameynta weerarka ku yeelan karo amniga iyo xasilloonida

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...