Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka heer Wasiir ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka deg-degga ah ee ay iskugu imaanayaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, kagana hadlayaan weerarka Israa’iil ku qaaday dalka Qatar.

Shirka ayaa lagu faaqiday weerarkii Israa’iil ku qaaday Qatar 9-kii Septembar, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada wadamada Carabta iyo Islaamka si looga tacaalo arrintan, iyadoo go’aannada ku xusan war-murtiyeedka shirka la go’aamiyay in loo gudbiyo shir-madaxeedka beri oo Isniin ah furmaya si loo meel-meeriyo.

Waxaa la filayaa in Shir-madaxeedka degdegga ah uu soo saaro mowqif mideysan oo ka tarjumaya welwelka hoggaamiyeyaasha gobolka ee ku aaddan saameynta weerarka ku yeelan karo amniga iyo xasilloonida

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...