Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Date:

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo caalami ah dhinaca feerka, isla markaana hanatay guulo isdaba joog ah, ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa sheegtay in guusha Ramla Cali ay tahay mid Soomaaliya u soo hoysay sharaf weyn.

Wasiir Khadiija ayaa tiri: “Ramla Cali waxay adduunka ku matashay calankeenna Soomaaliyeed, waana ku faraxsanahay inaan maanta dalkeeda hooyo kusoo dhaweyno.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cusmaan oo soo dhaweynta qeyb ka ahaa ayaa yiri “Feeryahanad Ramlo Cali waxay muujisay inay gabdhaha Soomaaliyeed yihiin kuwa adkeysi badan oo fagaarayaasha caalamka wacdaro ka dhigi kara.”

Dhankeeda, Ramla Cali oo warbaahinta la hadashay ayaa u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan intii soo dhoweynta u sameysay, iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in guushaas ay la wadaagto ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...