Hay’adda SoDMA oo kulan xog-wareysi ah ku qabatay Laaacaanood

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan lagaga tashanayey horumarinta isku-duwidda iyo iskaashiga gargaarka bani’aadantinimo, kaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed (Hindi), wakiillo ka socday hay’adaha samafalka (NGOs), ururrada bulshada rayidka, iyo boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda Laascaanood.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gargaarka ee Waqooyi Bari ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda iyo wada-shaqeynta howlaha gargaarka bani’aadantinimo. Intii uu socday kulanka, Guddoomiyaha SoDMA ayaa lagu waydiiyay su’aalo la xiriira sidii gargaarka si hufan oo degdeg ah loo gaarsiin lahaa bulshada nugul ee ku nool deegaannada maamulka Waqooyi Bari.

Guddoomiyuhu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dadaallada SoDMA ee wax ka qabashada arrimaha bani’aadantinimo ee ka jira deegaannada Waqooyi Bari, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la mideeyo qorshayaasha iyo dadaallada hay’adaha kala duwan. Sidoo kale, wuxuu si toos ah uga jawaabay su’aalihii shacabka, kuwaas oo codsaday in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...