Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Date:

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud wali ka aruurinaya meydadka maleeshiyaadkii Khawaarijta ee shalay halkaas lagu laayay.

Ciidanka xoogga ayaa shalay jab xooggan ku gaarsiiyey degmada Ceeldheer kooxda Khawaarijta ah oo isku dayday in ay ku soo qaado weerar arbushaad ah,kaas oo jawaab kulul ka bixiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi khawaarijta ayaa dagaalkan looga dilay in ka bdan 60 xubnood waxaana sidoo kale looga dhaawacay in ka badan 50 xubnood.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale Khawaarijta ka qabtay tiro maxaabiis ah, hub iyo saanad ciidan oo kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...

Wasiirka gaashaandhiga XfS oo xaqiijiyey in 60 khawaarij ah lagu dilay Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay Jabkii lagu gaarsiiyay Khawaarijta Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeyb-galay shir la xariiro dhaqanka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya,...