Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka 2-aad ee cimilada Afrika

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, isaga oo xusay muhiimadda iskaashiga heer Afrika ee xal-u-helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadday si loo xakameeyo saameynta isbeddelka cimilada kuwaas oo ay ka mid tahay soo gudbinta qorshaha qaran ee NDC oo kor loogu qaadayo adkaysiga deegaanka, hirgelinta ololaha caagaraynta oo lagu beerayo 10 milyan oo geed iyo sameynta Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

“Soomaaliya door yar ayay ku leedahay asbaabaha keena isbeddelka cimilada, balse waxaan ka mid nahay dalalka ugu nugul dhibaatadeeda. Abaartii ugu xumeyd afartankii sano ee la soo dhaafay ayaa saamaysay 7.8 milyan oo qof, taas oo sababtay barakac iyo dhibaatooyin dhaqaale”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la horumariyo iskaashiga wadajirka ah ee lagaga hortagayo isbeddelka cimilada iyo in shirkan ay ka soo baxaan tallaabooyin dhaxalgal ah oo heer qaaradeed ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...