Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Francesca Di Mauro iyo kuxigeenkeeda Karin Gatt-Rutter.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo sidoo kale shuruucda muhiimka ah ee hortaala Golaha Shacabka.

Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadcelisay soo dhoweyntiisa diirran, waxayna bogaadisay dadaallada Golaha Shacabka ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna sidoo kale caddeysay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka si loo sii xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn dalka kusoo dhoweeyay safiirka cusub ee midowga Yurub ayaa warbixin ka siiyay shaqada Golaha gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka qodobada ka harsan iyo sidoo kale shuruucda kale ee dhameystirka dowlad dhiska muhiimka u ah.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo weyn ka qabaan dowladooda iyo Baarlamaanka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo Dastuur dhameystiran iyo shuruuc waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...