Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlaayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka bini’aadannimada ee dalka.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin ka socotay ururada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha UN Women ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somali NGO Consortium.

Shirka wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa isku-dubaridka ka dhexeeya Ururada Haweenka (WLOs), Ururada Bulshada Rayidka ah (CSOs), iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA). Ujeeddada iskaashigan ayaa ah in la hubiyo in howlaha gargaarku noqdaan kuwo loo dhan yahay, oo si wax-ku-ool ah uga jawaaba baahiyaha bulshada, gaar ahaan kuwa haweenka iyo gabdhaha.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in la dejiyo qorshaha isku-xirka joogtada ah ee ka dhexeeya Ururada Haweenka (WLOs) iyo mas’uuliyiinta GiHA.

Talaabadan ayaa abuuraysa fursado cusub oo lagu wada shaqeeyo, lana wadaago macluumaadka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...