Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qeyb-galay shir looga hadlaayo dib-u-habaynta Garsoorka dalka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay kulan heerkiisu sarreeyo oo lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda iyo Beesha Caalamka, loogana hadlayey Istaraatiijiyadda Dib-u-habaynta Garsoorka dalka.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka qayb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Wasiirrada Cadaaladda ee Dowlad-goboleedyada, Safiirka Soomaaliya ee Kenya, wakiil ka socday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, agaasimeyaal iyo howlwadeeno ka socday Wasaaradda, iyo wakiillo ka socda hay’adaha UNDP, UNODC, UNTMIS iyo Midowga Yurub (EU).

Shirka ayaa lagu xoojinayay iskaashiga Dowladda iyo Beesha Caalamka si loo mideeyo dadaallada horumarinta garsoorka, iyadoo diiradda la saaray helitaanka cadaalad loo siman yahay, sharci-dejin hufan, iyo xoojinta kalsoonida shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...