Ciidamada Xoogaa Dalka oo lagu bogaadiyay howlgal lagu jabiyay Khawaarijta

Date:

Taliyaha qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax ( Jareere) oo uu weheliyo Dhanme Abshir Guutaale oo ka mid ah saraakiisba Ciidamada Xoogaa Dalka ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo kormeer iyo Dhiiragelin ugu tegay Ciidamada ku sugan gobolkaas.

Taliyaha Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor Gaashaanle Dhexe Cosoble Cali Niur ayaa ku soo dhoweeyay taliyaha iyo xubnaha kale ee saraakiisha fadhiga ciidanka, wuxuuna warbixin kooban ka siiyay howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Gaashaanle Dhexe Saahid Jareere, ayaa ciidamada uu u tegay kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan baacsiga Khawaarijta si amni iyo xasillooni u helaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibanaha u ah argagixisada.

Ciidamada Xoogaa Dalka, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor ayaa howlgalo lagu jabiyay Khawaarijta ka sameeyay deegaanno iyo degmooyin Gobolka Shabeellaha Dhexe ka tirsan,halkaas oo kal hore laga bilaabay howlgalka loogu magac-daray “ Duufaanta Aamusan”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...