IGAD oo soo dhaweysay heshiiska DFS iyo Madasha Samatabixinta

Date:

Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku aadanaa hannaanka doorashooyinka.

Dr Gebeyehu ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka midnimada, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta, isagoo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay uga goan tahay in dalka uu ku hago midnimo, nabad iyo isku-duubni.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Wada-hadallada iyo wada-xaajoodyada arrimaha weli taagan waxa ay yihiin dhabo muhiim ah oo lagu gaari karo nabad waarta, dowlad-dhis iyo isbedel dimoqraadi ah, loona baahanyahay in la sii wado”.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD ayaa ku dhiiri galiyay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay isla qaataan tallaabadan wax ku oolka ah ee loo qaaday heshiiskan buuxa, isagoo hoosta ka xariiqay in ahmiyadda uu isu-tanaasulku leeyahay ay tahay si loo gaaro xal waara, ayna IGAD sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo iskaashi dhow la leh madaxda iyo shacabka dalka si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

1- President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the historic...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo guddoomiyay shirka 6aad ee wasiirrada A3 ah

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ADDIS-ABABA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA MADAXDA AFRIKA

Addis ababa, Febaraayo,13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...