Madaxweynaha JFS oo qaabilay Wasiiru-Dowlaha  Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotodadheer ee ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu gudajiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa iyo garab-istaagga aya shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa farriin gaar ah u gudbiyay Madaxwayne Maxamed bin Zayed Al Nahyan, isaga oo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta, isla markaana tilmaamay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...