R/W Ku-xigeenka oo daah furay Wareegga 7-aad ee Sahanka Tusayaasha Badan ee Soomaaliya

Date:

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray wareegga toddobaad ee Sahanka Tusayaasha Badan ee Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in xogta cusub ee sahankan uu soo saari doono ay door weyn ka ciyaari doonto qorsheyaasha dowladda ee la xiriira yareynta saboolnimada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Sahankan ayaa lagu ururinayaa xog dhammaystiran oo la xiriirta caafimaadka, waxbarashada, nafaqada, ilaalinta carruurta, biyaha iyo nadaafadda. Xogtan ayaa dowladda ka caawin doonta in ay qaadato go’aanno xog ogaal ah oo ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...