R/W Ku-xigeenka oo daah furay Wareegga 7-aad ee Sahanka Tusayaasha Badan ee Soomaaliya

Date:

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray wareegga toddobaad ee Sahanka Tusayaasha Badan ee Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in xogta cusub ee sahankan uu soo saari doono ay door weyn ka ciyaari doonto qorsheyaasha dowladda ee la xiriira yareynta saboolnimada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Sahankan ayaa lagu ururinayaa xog dhammaystiran oo la xiriirta caafimaadka, waxbarashada, nafaqada, ilaalinta carruurta, biyaha iyo nadaafadda. Xogtan ayaa dowladda ka caawin doonta in ay qaadato go’aanno xog ogaal ah oo ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...