Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong, oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui ee dalka Shiinaha. Xaruntani waa aag horumarineed muhiim ah kana mid ah xarumaha hormuudka u ah Shiinaha ee isbeddelka warshadaha iyo tamarta.

Ujeedka booqashada ayaa ahaa in Soomaaliya ay ka faa’iideysato khibradda Ningxia ee dhismaha warshadaha kala duwan, tamarta nadiifta ah, iyo horumarinta warshadaha, iyadoo la xoojinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay Ningxia tusaale wax ku ool ah oo muujinaya sida horumar waara loogu gaari karo warshadaha iyo tamarta. Waxa uu sheegay in casharrada laga dhaxlo ay fure u noqon karaan iskaashi miro dhal ah oo Soomaaliya ka caawin kara horumarinta tamarta, warshadaha iyo dhaqaalaha.

“Waxaan hiigsaneynaa dhisidda waax tamareed casri ah, abuurista fursado warshadeed cusub iyo dardar gelinta shaqo-abuurka dhallinyarada  anagoo kaashaneyna tignoolajiyad casri ah iyo maalgelin shisheeye,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...