Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo xubnaha Xildhibaanadda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari u doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa kuxigeen ka dib doorasho ka dhacday magaaladda Laascaanood.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku amaanay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari gudashada mid ka mid ah waajibaadkooda muhiimka ah, waxa uuna guddoomiyaha cusub ee la doortay iyo kuxigeenadiisa Alle SWT uga baryay inuu u fududeeyo waajibka shaqo ee loo doortay, asigoo sheegay inuu Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka garab taaganyahay lana shaqeyn doono.

Xildhibaanadda Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee maamulkaasi u doortay Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, waxayna guddoomiye kuxigeenka koowaad u doorteen Amran Axmed Xasan, halka guddoomiye kuxigeen labaad ay u doorteen Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...