Tacsi: Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiru dowlaha Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiir kuxigeenka Mudane Isaaq Maxamed Mursal, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Hamsa Aadan Xaadow, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Shariif Maxamed Cumar, oo maanta oo Jimce ah, 22 August, 2025 ku geeriyooday Magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay.

Marxuum Amb. Sharif Mohamed Omar oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay billowgii dowladnimada loo diray waxbarasho sare oo dibadda ah ayaa haystay labo shahaado “Laurea” oo uu ka qaatay Jaamacadda Rome intii u dhexeysay 1962-1969, xilligan u dhiganta heerka labaad ee Jaamacadda “Master degree”. Shahaadada koowaad ayaa ah Culuunta Tirakoobka Dadweynaha (Statistical & Demographic Sciences), halka shahaadada labaad ay tahay Culuunta Siyaasadda (Political Science).

Marxuum Shariif Maxamed Cumar ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ku biirray sanadkii 1976, isaga oo ka mid noqday saraakiisha sare ee Waaxda Dhaqaalaha ee Wasaaradda.

Ka hor inta aanu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku biirin, waxa uu ka soo shaqeeyay labo wasaaradood oo kala ah:

▸Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1969-1970 isaga oo ahaa sarkaal ka tirsan Waaxda tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda, isaga oo sanad kadib loo dallacsiiyay madax qeybeed.

▸Wasaaradda Ganacsiga oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1970-1976, isaga oo labo mar oo is xiga ka noqday agaasime waaxeed waaxyaha kala ah:

➝1973-1976 Agaasimaha Waaxda Isdhaafsiga ganacsiga, Soo dejinta iyo dhoofinta.

➝ 1970-1973 Agaasimaha Waaxda Tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda.

➝1972-1973 Kusimaha Maarreeyaha guud ee Shirkadda Ceymiska Qaranka.

■ Intii u dhexeysay 1976-1977 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

■ Intii u dhexeysay 1977-1982 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Germany.

■ Intii u dhexeysay 1982-1986 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium.

■ Intii u dhexeysay 1986-1989 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.

■ Intii u dhexeysay 1989-2008 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar.

Marxuum Shariif Maxamed Cumar oo ku dhashay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, 14 November, 1940 , ayaa ifka uga tagay xaas iyo caruur, isaga oo u adeegay dalka iyo dadka Soomaaliyeed muddo 38 sano si daacadnimo oo nafhurnimo leh.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...