Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa si rasmi ah u daah-furay hannaan ka 𝗦𝗮𝘅𝗶𝗶𝘅𝗮 𝗗𝗮𝗻𝗮𝗯𝗲𝘆𝘀𝗮𝗻 ee maamulka lacag bixinta Hay’adaha Dowladda, kadib munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda daah-furka ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socday wasaarado iyo hay’ado kala duwan oo dowladeed. Adeegsiga hannaankan cusub ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ka dhigaysa nidaamka maamulka maaliyadda mid casri ah, hufan, isla markaana ka madax-bannaan buug iyo waraaqo badan.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in hirgelinta saxiixa dhijitaalka ahi ay wax weyn ka tari doonto daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, ayna dardar-gelin doonto adeegyada dowladda ee la xiriira bixinta dhaqaalaha.

Tallaabadan cusub ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo ku soo kordhaysa maamulka maaliyadda dalka, iyadoo la filayo in ay fududeyso habraacyada lacag-bixinta, isla markaana sare u qaaddo hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka dowladeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...