Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare, gaar ahaan korjoogtaynta iyo horumarinta howlaha amniga iyo difaaca qaranka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay kooxaha argagixisadu ku dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane...

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...